Dhalinyarada Mudug iyo Madaxweyne Deni oo kulmay

Gaalkacyo: 05 Luulyo 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan kula qaatay qasriga xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo Dhalinyarada Gobolka Mudug.

Dhallinyarada ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay xaaladda dhallinyarada ee Gobolka, caqabadaha iyo fursadaha iyo dhismaha garoonka kubadda cagta ee Gaalkacyo Cawaale Stadium.

Madaxweynaha ayaa ka jawaabay codsiga dhallinyarada ee ku saabsan dhismaha garoonka Cawaale stadium, wuxuuna balan qaaday dhameystirka dhismaha garoonka kubadda cagta ee Cawaale Stadium.

Dhallinyarada ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Deni sida Dowladda iyo hoggaaminta dalka uu door muhim ah uga siiyey, madaama dadka uu Madaxweynuhu magacaabay illaa iyo hadda ay u badan yihiin dhallinyaro.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading