Dhalinyaro Somalinimo isku dhiibtay oo laga masaafurinayo Canada

Dhallinyaro Somali ah,ayaa la sheegay in Dowladda Canada ay qorsheyneyso in ay Dalkeeda ka masaafuriso.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso.

Wakaaladda xudduudaha Canada waxey sheegtay in dhallinyaradan ay gaarayaan 157 qof, balse dadka u doodaya dhallinyaradan ayaa rumeysan inay gaarayaan boqollaal qof.

Saraakiisha dowladda waxey ku doodayaan in hadda un ay baaritaan kusoo ogaadeen in dhallinyaradan aysan Somali aheyn oo ay ka been sheegeen kiisaskii ay isku dhiibeen markii ay magangelyo waydiisanayeen Canada.

Waxaa socda, dadaallo ay wadaan jaaliyadda Soomaalida qaarkood, kuwaasoo wali aanan kasoo bixin wax natiijo ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading