Dhaxal-sugihii hore ee Boqortooyadda Urur oo eedeeyn loo jeediyay

Amiirkii hore ee dhaxalsugaha ahaa ee waddanka Urdun ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu iskudayayo inuu hogaamiyayaasha qabaa’ilka ka horkeeno dowladda, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaasi ayaa sidaas sheegay.

Amiir Xamza bin Xuseen ayaa waxa uu “kooxo ajaanib ah” kala shaqeeyay sidii xasiloonni darro loogaga abuuri lahaa qaranka, ayuu yiri Ayman Safadi.

Amiirka ayaa goor sii horraysay waxa uu shaaciyay laba muuqaal kuwaas oo uu ku andacoonayo in xabsi guri la galilyay.

Waxa uu iska fogeeyay inuu wax maleegay, hasayeeshee waxa uu hogaamiyayaasha Urdun ku eedeeyay musuq maasuq iyo maamul xumo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading