Dhiillo colaadeed iyo jahawareer ka taagan caasimadda dalka Liibiya (Warbixin)

Dagaal culus ayaa ka qarxay koofurta magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya ka dib markii xukuumadda ay Qaramada Midoobey taageerto ay ku dhawaaqday weerar rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidamada uu hoggaamiyo janaraal Khalifa Xaftar ee duulaanka ku soo qadaay Tripoli.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dhaqdhaqaaqyo kooban sameynayeen dhinacyada isku haya gacan ku haynta magaaladaasi Tripoli, waxaana muddada labada usbuuc ah ee ay dagaalada socdeen waxaa ku dhintay qiyaastii 220 qof.

Ciidamada daacadda u ah janaraal Khalifa Xaftar ayaa billoowgii bishan weeraray xooggan waxa ay ku soo qaadeen magaalada Tripoli oo ay doonayeen in ay maamulkeeda gacanta ku dhigaan.

Maalmo ka hor ayaa rai’salwasaaraha dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee Liibiya ayaa cambaareyn adag dusha uga tuuray beesha caalamka.

Fayez al-Serraj ayaa cambaareeyay “aamusnaanta ay beesha caalamka ka aamustay ” xoogagga soo weeraray caasimada Tripoli.

Ra’iisalwasaare al-Serraj ayaa BBC u sheegay in dadkiisu ay dareemayaan in beesha caalamku ay meel cidlo ah uga dhaqaaqday.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in golaha ammaanka aysan qaadin wax tallaabo ah maadaama aysan wali is-afgarad ka gaarin qaabkii loola tacaali lahaa arrintan faraha ka sii baxaysa.

Xukuumadda midnimada qaran ee ra’iisalwasaare al-Serraj ayaa sheegeysa in ay ciidamadeeda duqeymo u geysteen goobala ay magaalada Tripoli ka haystaan ciidamada janaraal Xaftar.

Ciidamada daacadda u ah janaraal Xaftar oo dhawr jaho ka soo weeraray Tripoli ayaa aad ugu sii siqayay magaalada waxa ayna sheegeen in ay qabsadeen garoonka caalamiga ah ee Tripoli.

Liibiya

Janaraal Xaftar oo ka tirsanaan jiray milatariga dalkaasi Liibiya ayaa sanadkii 2015 waxaa taliyaha ciidamada xoogga ee dalkaasi u magacabay dowladdii hore ee caalamku aqoonsanaa ee xarunteedu ahayd magaalada Tobruk, waxa uuna taageero buuxda ka haystaa waddamada Masar, Ruushka iyo Imaaraadka Carabta.

Dhawaan ayay ahayd markii Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo uu sheegay in madaxweyne Trump uu qadka taleefoonka kula xiriiray Khalifa Xaftar isla markaana ay ka wadahadleen waxyaabo khuseeya dalka Liibiya oo ay aragti ahaan ka mideysan yihiin, sida in Liibiya ay noqoto dal dimuquraadi ah oo xasilloon.

Wadahadalka dhex maray janaraal Xaftar iyo madaxweyne Trump ayaa muujinaya suurtagalnimada in Mareykanka uu taageero dowlad cusub oo uu hoggaamiye ka noqdo janaraal Xaftar.

Waddamada Mareykanka iyo Ruushka ayaa labaduba diiday in ay taageeraan qaraar dalka Britain uu soo hindisay oo la hor keenay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaa oo lagu dalbanayay xabbad joojin.

Liibiya

Afhayeen u hadlay ciidamada Janaraal Xaftar ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay: “Waxaan ku guuleysannay dagaalka dhanka siyaasadda oo waxaan caalamka ku qancinnay in ciidamada qalabka sida ay la dagaalamayaan argagixisada.”

Janaraal Xaftar ayaa taageero ka haysta qaar ka mid ah quwadaha caalamka, kuwaasi oo u arka in uu yahay ninka kaliya ee mustaqbalka dejin karaya xaaladda fowdada ahi ee dalkaasi.

Qaar ka mid ah dadka reer Liibiya ayaa qaba arag taa la mid ah balse qaar kale ayaa Xaftar u arka hoggaamiye kooxeed kale oo doonaya in uu xoog ku qabsado xukunka dalka.

Waa kuma Janaraal Xaftar?

Janaraal Xaftar Xuxuu ka caawiyay Qaddaafi in uu xukkunka waddankaasi la wareego sanadkii 1969-kii ka hor inta aysan isku dhicin sanadkii 1980-maadkii oo uu dalka musaafuris uga baxay. Waxa uu dalka dib ugu soo laabtay xilligii kacdoonka si uu ula dagaallamo Qadaafi oo ahaan jiray hoggaamiyihiisa hore, kadibna wuxuu isku dayay inuu noqdo nin ka soo horjeeda maleeshiyaadka Islaamiga ah ee bariga Libya.

Liibiya

Muddo seddax sano ayuu magaalada bariga ku taal ee Benghazi waxa uu kula dagaallamayay maleeshiyaad Islaami ah oo kala duwan, oo ay ku jiraan kooxo gacansaar la leh ururka Al-Qaacida. Hase yeeshee dadka siyaasaddiisa naqdiya ayaa ku eedeeyay in dadka ka soo horjeeda xukunkiisa uu mar kastaa ku calaamadeeyo in ay yihiin “argagixiso”.

Kadib markii uu la wareegay xukunka Benghazi, wuxuu isla markiiba u hanqal taagay jagadas ugu sareysa dalkaasi, balse caqabadda ugu muhiimsan ee arrintaasi ka hor istaagtay ayaa ahayd qodob ku jira heshiiskii ay Qaramada Midoobey garwadeenka ka ahayd, kaasi oo shakhsiyaadka milatariga ka tirsan ka hor istaagaya in ay qabtaan xil siyaasadeed.

Dadka qaar ayaa sheegaya in ka qeybgalka uu janaraal Xaftar ka qeybgalay wadahadallada ka dhacayay waddamada Faransiiska, Talyaaniga iyo Imaaraadka Carabta uu ujeedkiisu ahaa sidii uu isaga gadi lahaa beesha caalamka balse ma ahayn in xal siyaasadeed loo helo xasaradda ka taagan dalkaasi.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa ciidanku waxa ay billaabeen weerar, si ay u qabsadaan laba ceel oo saliid ah oo ku yaal koonfurta dalkaasi. Waxaana hadda la rumaysan yahay in uu maamulo badi kaydka saliidda ee Liibiya.

Miyuu helayaa taageero caalami ah?

Haa, wuxuu muddo dheer haystay taageerada Masar iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna booqasho ku tagay dalka Sucuudga toddobaad uun ka hor inta uusan duulaanka ku qaadin magaalada Tripoli. Janaraal Xaftar waxa uu booqasho ku tagay Ruushka, waxaa meel u dhow xeebaha dalka Liibiya ku soo dhaweeyay markab Ruushku leeyahay oo ah kuwa diyaaradada xambaara. Axaddii la soo dhaafay Ruushku waxa uu diidmada qayaxan kala hor yimid qaraar golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cambaareynayay duulaanka Xaftar uu ku soo qaaday magaalada Tripoli.

Liibiya

Faransiiska oo dhexdhexaadinayay dhinacyada isku haya Liibiya, ayaa beeniyay in uu dhinac taageeray, waxaana jira shaki ah in xiriir wanaagsan uu la leeyahay janaraal Xaftar. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay oo reer galbeed ah oo ku marti qaaday wadahadallada nabadeed. Faransiiska ayaa sidoo kale bishii Febraayo duqeymo dhanka cirka ah ku taageeray ciidamada Janaral Xaftar. Waxay bartilmaameedsadeen ciidamada mucaaradka ee reer Chad ee la dagaallamaya ciidmada uu hoggaamiyo janaraal Xaftar ee LNA.

Inta badan waddamada reer galbeedka waxay taageeraan dawladda midnimada qaran. Tan iyo markii uu billowday duulaanka ka dhanka ah Tripoli, dhammaan Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka lana wadahadlo.

Liibiya

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Liibiya ayaa sheegaya in sababta janaraal Xaftar uu u billaabay dhaqdhaqaaqa milatari ay tahay Qaramada Midoobey oo ku dhawaaqday “shirweyne qaran” oo ka dhacaya magaalada Ghadames ee dalkaasi Liibiya inta u dhaxaysa 14-16 Abril, si beelaha degaanka loogala xaajo qaabkii doorasho ay dalkaasi uga dhici lahayd.

Maadaama uu gacanta ku hayo meelo badan oo ka mid ah dalkaasi ayaa janaraal Xaftar waxa uu dareemayaa in uu guul ka gaari karayo wada xaajood kastaa oo looga hadlayo aayaha dalkaasi.

Xigasho: BBC

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading