Dhimashada iyo Dhaawaca Hotel Xayaat oo la shaaciyay

Wasaaradda Caafimaadka Fadaraalka ,ayaa sheegtay in ugu yaraan 21-Qof ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Xayaat, waxayna intaas ku dartay in weerarkan ay ku dhaawacmeen 117-Qof oo 15 -ka mid ah dhaawacoodu culus yahay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay suuragal tahay inay dhimashadu intaas ka badan tahay lagana yaabo in dadka qaar ay maydka ehelkooda aasteen ka hor inta aysan gaynin cisbitaallada.

Goor hore oo maanta ah ayaa ciidamada booliisku sheegeen in lasoo af-jaray hawlgalkii, iyadoo lasoo badbaadiyey 106 qof.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading