Dhimashada Mudaaharaadyada Kenya oo sii kordhaya

22-Qof ayaa Talaadadii ku dhintay dibad-baxyada Kenya, waxaa sidaas maanta sheegay urur u dooda xuquuqda aadanaha oo dowladda ay maal-geliso, kaasi oo wacad ku maray baaritaan lagu sameeyo wax uu ku qeexay “dhimashadii ugu badneyd ee mudaaharaadyo ka dhasha hal maalin.”

“Waxaan diiwaan gelinay dhimashada 22 qof…waxaan qorsheyneynaa in aan bilowno baaritaan,” ayay tiri Roseline Odede, oo ah guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Kenya.

Waxa ay intaas ku dartay in 19 qof ay ku dhinteen caasimadda Nairobi, halkaasi oo booliska ay rasaas ku fureen dibad-baxayaal ku xoomay xarunta baarlamanka.

Mudaaharaadayaasha ayaa ka soo horjeeda sharci cusub oo dowladda ay dooneyso in ay ku kordhiso canshuurta, waxayna maanta wacad ku mareen in ay sii wadi doonaan banaan-baxyada ka dhanka ah canshuur kordhinta.

Boolis aad u hubeysan ayaa maanta maamulayey waddooyinka caasimadda Nairobi, ayada oo taageerayaasha banaanbaxa toddobaad jirsaday ay barta X u isticmaalaayaan hashtag tutanethursday ama “Khamiis ayaa noo ballan ah.”

Sarkaal ka tirsan Isbitaalka Kenyatta ee Nairobi ayaa Arbacada maanta ah sheegay in halkaas “lagu daweynayo 160 qof, oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo fudud, halka qaar kalena ay qabaan dhaawacyo rasaas.”


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading