Dhismaha cusub Ee Wasaarada Kalluumaysiga PL oo xariga laga jaray

Boosaaso: 03 October 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland, oo ay iska kaashadeen Dowladda Puntland iyo Midowga Europe, iyadoo fullinta farsamo ay fududeeysay Hay’adda FAO.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga oo uu muujiyey in Dowladdu muhimad gaar ah siisay in la helo xaruntan, oo saldhig u noqonaysa Shaqooyinka la xiriira Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay.

Munaasabadda xarig jarka dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga, waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Masuuliyiin ka socda Midowga Europe, Safaaradda Denmark , Hay’adda FOA, Maamulka Degmada Boosaaso, Maamulka Gobolka Bari iyo marti sharaf kale .

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading