DHISMAHA GOLAHA HORUMARINTA DHAQAALAHA PUNTLAND OO LAGU DHAWAAQAY.

Garoowe: 08 August 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir ku saabsan Horumarinta dhaqaalaha Puntland, Kaasi oo ku qabsoomay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorshaynta ayna ka qeybgaleen inta badan Wasiirada ku shaqo leh Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha, Mashaariicda iyo Arrimaha Bulshada.

Kulanka ayaa waxaa looga dhawaaqay in la dhiso Golaha Horumarinta Dhaqaalaha Puntland ( Puntland Economic Development Council), talaabadaasi oo mid wax weyn kusoo kordhinaysa adeega dowladnimo ee loo hayo Bulshada.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading