Dhoobley: Al-Shabaab oo la wareegtay Degaano saaran Xadka

DHOOBLEY (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaan kaabiga ku haya xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Deegaanka Shabaab ay la wareegeen ayaa lagu magacaabo Dag caday oo hoostaga Degmada Dhoobley, waxaana mudooyinkii dambe ku sugnaa Ciidamadda Maamulka Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan Shabaab oo la hadlay warbaahintooda ayaa sheegay in haatan ay ku sugan yihiin deegaanka,islamarkaana ciidamadii Jubbaland isaga baxeyn.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbland oo loogu hadlaayo sheegadda Shabaab, Iyadoona ay jiraan dhaqdhaqaaqyo Ciidan.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading