Shirkii looga xaajoonayay dhismaha garoonka cusub ee Gaalkacyo oo soo gabagaboobay.

Shirka waxaa kasoo qaybgalay bulshada qaybaheeda ,maamulka Gobolka,kan Degmada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Hawlaha guud,isimo iyo siyaasiyiin hore.

Shirka,ayaa lagu lafa guray wax walba oo hor taagnaa hirgalinta garoonka cusub,waxaana laysla waafaqay in laga wada shaqeeyo dhismihiisa.

Si buuxda waxaa layskugu raacay in dhulka garoonka laga dhisayo uu diyaar yahay lana dhagax dhigo xiliga ugu horeeya ee ay ku haboonaato.

Sidoo kale Isimadu waxay sheegeen in dhulkaas dan guud loo isticmaalay ayna Guddoomiyeen sidaas.

Sida Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Deni sheegayso,waxaa diyaar ah mashruucii lagu dhisi lahaa garoonka oo ay maalgalinayso Dowlada Shiinaha.













Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.