Wararka ka imaanaya
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya inuu dib u
dhac ku yimid hawlihii guddiga doorashada Galmudug, kadib markii ay isa soo
diiwaangelin waayeen musharaxiintii u tartamaysay xilka madaxtinimo ee
maamulkaasi.
Maanta oo lagu balansanaa in ay noqoto maalintii ugu
dambaysay ee is-daawgelinta, isla markaasina ay bilaaban lahayd dhagaysiga
khudbadaha musharaxiinta madaxweyne, ayaa ay baaqatay.
Sidoo kale, maalinta berri
ah oo loo balansanaa dhagaysiga khudbadaha musharaxiinta madaxwene ku-xigeenka,
Ayaan Iyana jiri doonin, sida ku cad jadwalka doorasho ee horay loo soo saaray
ayaan wax shaqo ah ka socon maanta.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Ahlu-sunna horay u
sheegtay in aysan ku qanacsanayn qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada,
islamarkaasina ay ku dhawaaqday jadwal iyo doorasho iskeed ay u qabsan doonto.
Dhanka kale, musharaxiinta u sharaxan xilka madaxtinimo ee
Galmudug ayaa horay shuruudo adag ugu xiray guddiga doorashada, taas qayb ka
ahayd waxyaabaha dib u dhac ku keenay hawlaha guddiga
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.