Dib-u-dhac mar kale ku yimid Jadwalka doorashada DFS

Dib-u-dhac ayaa mar kale ku yimid Jadwalka doorashada dadban ee ay dhowaan ku heshiiyeen Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, kaas oo dhigayay in 1-da December ay bilaabato doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada Aqalka Sare ee BJFS aya loo qorsheeyay 1-da ilaa 10-ka bishaan, waxaana muuqata in aysan muuqaan saan saan doorasho, maadaama Dowlad Gobaleedyada qaarkood aysan magacaabin guddiyadii doorashada halka midka dowladda dhexena lagu muransan yahay.

Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa waxaa doorta Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladaha xubnaha ka ah DFS, iyadoona xubnaha ku tartamaya kuraasta ay soo magacaabaan Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading