Dibad baxayaasha Lubnaan oo xanibay shaqooyinkii xafiisyada dawladda

Dibadbaxayaasha dalka Lubnaan ayaa isku hareereeyay dhismooyinka ay ku shaqeeyaan wasaaradaha dawlada ee ku yaala magaalada caasimada ah ee Bayruut iyo magaalooyinka kale ee waa weyn.

Abaabulayaasha banaanbaxayaasha ah ayaa sheegay inay doonayaan inay joogsadaan hawlaha dawlada intii ay kusii socon laheyd musuq maasuq.

Dhismooyinka aan maanta loo shaqo tagin ee banaanbaxayaashu xireen waxaa ka mid ah wasaaradda cadaaladda waxaana ay codsadeen in isla xisaabtan la helo. Todobaadkii lasoo dhaafay R/wasaare Sacad Al-Xariiri ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay kadib markii ay xoogeysteen dibadbaxyada xukuumadiisa looga soo horjeedo


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading