Digreeto – Wasiirka Caafimaadka Puntland oo xilkii ka qaaday maamulkii Isbitaalka Garowe.

Dr Jaamac Faarax Xassan Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbtitaalka guud ee magaalada Garoowe Maxamed Xaamud Maxamed (Gacal).

Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa xilka looga qaaday Maxamed Gacal waxaana xilkaasi loo magacaabay Drs Xabiibo Nuux Ismaaciil oo kamid ah dhaqaatiirta ka hawlgala caasimadda Garoowe.

Dikreetada ayaa sidoo kale xilka looga qaaday agaasime ku xigeenkii isbitaalka Cabdulqaadir Jaamac axmed iyadoo loo magacaabay Maxamuud Cabdirashiid Nuur.

Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda Sharma’arke Nuur Maxamed ayaa isna xilka laga qaaday waxaana lagu beddelay Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdiraxmaan.



Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading