Dil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Kooxo hubeysan,ayaa Gaalkacyo waxa ay ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka,kaasoo lagu Magacaabi jirey Mukhtaar Axmed Cumar Tinle.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur io ka hadlay dilkaas,ayaa sheegay in ragga hubeysan ay dhowr xabadood ku dhufteen,isaga oo kasoo baxey Xildhibaanka Goob Ganacsi,sidoo kalena ay dhaawaceen Askari kasoo hor baxay markii ay dilka geysteen,iyaga oo sii baxsanaya.

Guddoomiyuhu waxa uu ku eedeeyey in ay dilkaasi ka dambeeyeen Al-Shabaab.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading