Warrarka ka imaanaya magaalada Baydhabo,ayaa sheegaya in xukun dil ah lagu fuliyay nin lagu helay inuu dilay haweeney ganacsato ahayd oo lagu magacabi jiray Aamina Maxamed Cismaan kadibna uu ku riday boosaneer gurigiisa ku yaala.
Maxkamadda Gobolka Bay,ayaa dil ku xukuntay Maxamed goomey kadib markii uu si ula kac ah u dilay Aamina Malaaq Mukhtaar.
Aamina,ayaa la waayay galabtii Jimcaha, waxaase Axadii meydkeeda laga helay boosaneer ku yaala xaafad ku taala Baydhabo, halkaas oo ah meesha lagu dilay.
Dilka ninka dambiga dilka ah lagu helay,ayaa ka dhacay meel fagaare ah, waxaana joogay boqollaal qof oo ah dadka degan Baydhabo.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.