Dilal ka dhacay Xarunta Ganacsiga PL Ee Bosaso

Laba dhacdo,ayaa 10 Daqiiqo gudahood ka dhacay Bosaso oo amnigeedu aad usareeyay waayahan danbe…

1.Gudoomiye ku xigeenkii Jaamacada EA Khaalid,isagoo Gurigiisa galaya,ayaa la dilay,ma cada waxa dilka sababay.

2.Haweenay,ayaa dishay Wiil ay Sodoh u ahayd oo Gabadheeda qabay ayna Uur ulahayd,ma cada waxa ku kalifay go’aankaas in ay qaadato.

Dowladu amniga Bosaso,wax weyn ayay ka qabatay kana badashay mana jirin Dilal iyo Qaraxyo ka dhacay waayahan.

Bulshadu,waxay Indhaha ku hayaan sida Boolisku uga falceliyo Labadan dhacdo iyo xogaha uu soo bandhigo.

Magaalo Bosaso oo kala ah in Laba Qof ku dhimato Maalinkii ma’ahan wax lala yaabo,balse waxa loo baahan yahay xogta iyo ka daba taga cida wax dishay.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading