Dilal kala duwan Oo ka dhacay Magaalada Muqdisho saacadihii udanbeeyay

Rag bustoolado ku hubeysnaa ayaa waxa ay xaafad ka mid ah degamda Howl-wadag ee gobolka Banaadir ku dileyn Nin Nabaddoon ah oo degmadaasi Caanka ahaa.
 
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Cali Shire oo ka tirsan degamda Howl-wadaag,waxaana nabadoonka la dilay lagu Magacaabi jiray Xuseeen Geedi Jimcaale.
 
Qofka mid ah Dadka ku nool Xaafada Cali Shire ayaa sheegay in Nabadoonka lagu dilay Albaabka hore ee gurigiisa,iyada oo raggii ka dambeeyey dilkiisa ay baxsadeen.
 
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay wallow aysan ku guuleysan in ay Gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyey dilka Nabaddoonkaas.
 
Sidoo kale waxaa goor dhawayd lagu dilay Wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal Mooto Bajaaj,kaasoo uu dilay Asakari ka tirsan Maleeshiyada Dowlada Fadaraalka.
 
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilka ka hor askariga iyo Darawalka mooto bajaajta oo wiil dhalinyaro ahaa uu muran dhexmaray taasina ay keentay in askariga uu rasaas qeybaha sare ee jirka uu kala dhaco Darawalka mooto Bajaajta.
 
Dhaawac ahaan ayaa markii hore loogu qaaday Wiilka dhalinyarada ah basle uu ugu geeriyooday mid ka mid ah Isbitaalada Magalada Muqdisho,waxana goobta ka baxsaday askarigii dilka geystay.
 
Muqdisho ayaa amnigeedu aad u xun yahay maalinba maalinat kasii danabysana waxuu sii gaaraya heer laga sii quusto.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading