Dilal kale oo ka dhacay Muqdisho goor dhaweyd

Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir waxaa goor dhaweyd lagu dilay wiil dhalinyaro ah.
Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in suuqyaraha degmadaas ay ku dileen wiilka dhalinyarada ahaa,iyaga oo ka toogtay qeybaha sare ee jirka halkaasna uu ku geeriyooday sida ay dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen.
 
Raggii ka dambeeyey dilka Wiilka dhalinyarada ah ayaa goobta ka baxsaday,
 
Maamulka degmada Dharkenley weli kama uusan hadlin dilkaas,waxa uuna ku soo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Muqdisho ka dhacayen dilal qorsheysan oo inta badan ay sheegteen Al-Shabaab.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading