Diyaarad uu la socday Madaxweynaha Iran oo burburtay

Warbaahinta rasmiga ah ee Iran ayaa ku warrantay in diyaarad helicopter ah oo uu la socday madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ay si degdeg ah u degtay Axadii, iyadoo aan faahfaahin laga bixin.

Wakaalada wararka ee jamhuuriyada islaamiga ah ee Iran ayaa ku warrantay in xaaladaha cimilo xumo ay sii adkaynayso dadaalada samata bixinta. Wakaaladda wararka ee Fars News Agency ayaa ku boorisay dadka reer Iran inay u duceeyaan Raisi.

Raisi ayaa u safrayay gobolka bari ee Azerbaijan ee dalka Iran. Telefeshinka dowladda ayaa sheegay in shilkan uu ka dhacay meel u dhow magaalada Julfa oo ku taalla xadka dalka Azerbaijan, oo qiyaastii 600 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Iran ee Tehran.

Wakaalada wararka ee Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay in Raisi ay la socdeen wasiirka arimaha dibada ee Iran Hossein Amir Abdollahian, gudoomiyaha gobolka bariga Azerbaijan ee Iran iyo masuuliyiin kale.

Mid ka mid ah saraakiisha dawladda hoose ayaa u adeegsaday ereyga “shil” si uu u qeexo dhacdada, laakiin waxa uu qirtay wargayska Iran in aanu isagu wali goobta soo gaarin.

Wakaalada wararka ee Iran iyo telefiishanka dowlada midkoodna wax war ah kamasoo tebin xaalada Raisi.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Waaxidi oo la hadlay telefishinka dowladda ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay ka war sugayaan faahfaahin dheeri ah.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading