Diyaarad uu saarnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka PL oo ku degi wayday Garoonka diyaaradaha Garowe

Diyaarad uu saarnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Shacab kale,ayaa kasoo degi wayday Garoonka Diyaaradaha Garowe ee Jen.Maxamed Abshir.

Sadex jeer ayay ku noqo-noqatay,wayse usuuroobi wayday in ay cago dhigato Garoonka.

Diyaarada,waxaa qabsaday cillad,taasoo sababtay in ay degi waydo,balse nasiib wanaag,waxay ku degtay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta Nayrobi oo ay dib ugu soo laabatay.

Gudoomiyaha,ayaa haatan ku sugan Nayrobi,waana baajiyay Safarkiisii Maanta ee Garowe.

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading