Diyaaradaha Kenya oo duqeymo kale ka fuliyay Gobalka Gedo

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa saaka duqeymo culus mar kale ka fuliyay deegaano hoostaga degmadda Ceelwaaq ee gobalka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeyntan oo ku bilaabatay aroortii hore, ay ku dhaawacmeen dad rayid ah, sidoo kale ay ku baabe’een hanti iyo xoolo ay lahaayeen dad reer guuraa ah.

Duqeyntan ayaa noqonaysa tii labaad oo todobaadkan ka dhacday gobalka Gedo, Dowlad-gobaleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ka hadlin duqeymahan ay ka wado Kenya gobalka Gedo.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading