Diyaaradaha Mareykanka oo burburiyay Doonyaha Xuutiyiinta Ee ku sugan Badda Cas

Ciidamada Badda Mareykanka,ayaa burburiyay Doomaha yar yar ee Xuutiyiinta oo isku dayay in ay fuulaan Markab Konteenar ah oo marayay Badda Cas.

Afar Doon oo ka yimid deegaanada Xuutiyiinta Yemen ay ka taliyaan,ayaa rasaas ku furay markabka Maersk Hangzhou, waxayna soo gaareen meel mitir u jirta Markabka, sida ay sheegeen Militariga Mareykanka.

Diyaarado Helicopters ah oo ka yimid Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee u dhowaa,ayaa ka jawaabay baaqa ay u soo dirsadeen dadki Markabkaas saarnaa.

Saddex ka mid ah,ayaa quusay,iyaga oo is difaacaya kooxdii saarneyd,ayaa la dilay, waxaana meesha ka baxsatay doonidii Afraad.

Xuuthiyiinta,ayaa tan iyo bishii November weeraro ku qaadayay Maraakiibta ku sugan Badda Cas.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading