Dood:-Maxay yihiin caqabadaha haysta Garsoorka Puntland?

Caqabadaha Garsoorka Puntland haysta,ayaan ka qabanay Dood ku saabsan,waxaana marti noogu ahaa Garyaqaan Ismaaciil Cabdulaahi Cilmi oo ah Xubin ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamada Dastuuriga ah ee PL,isla markaana ka diyaarinaya Shahaadada PHD Sharciga.

Doodan,waxaa keenay in aan qabano cabasho door ah oo ka timid Bulshada,taasoo lagu dhaliilayo Garsoorka Dalka…

1.Musuq.

2.Karti yari.

3.Khibrad yari.

4.Aqoon yari.

5.Hufnaan yari.

Doodahan oo aan sii wadi doono Qaybtoodii ugu horaysay,ayaan qabanay Xalay oo taariikhdu ku aadanayd 13.07.2024.

Su’aalaha aan qaadaa dhignay,ayaa ahaa kuwan….

GARSOORKA PUNTLAND?

1. WAA MAXAY (SHARCI-CADDAALAD-GARSOOR)?

2. XAALADDA GUUD EE GARSOORKA PUNTLAND?

3. HABDHISMEEDKA MAXKAMADAHA PUNTLAND?

4. CAQABADAHA SHARCI EE JIRA (jiritaanka garsoorka dadban ee dhaqanka iyo culimadu galaan iyo is waafajinta garsoorka dawladda)

5. CAQABADAHA SHAQAALE EE GARSOORKA PUNTLAND (rukhsadaha shaqaalaha garsoorka, anshax marinta, isla xisaabtanka iyo kor-joogtaynta- xuquuqda garsoorka)

6. CAQABADAHA JIRA XALKOODA YAA GACAN KA GEYSAN KARA?.

 

Halkan ka dhagayso dooda oo dhamaystiran

https://x.com/JibrilQoobey/status/1812175898814063008?t=_GIrTr1vZTClIKA7Zq0fIw&s=19.

 

Halkan ka dhagayso Qodob Dooda ka mid ah

 

 

 

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading