Kulan dood wadaag ah oo ay soo qaban qaabiyeen Dhalinyarada Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed C/qaadir Cismaan, Xisaabiyaha Wasaaradda ismaaciil Cabdi nuur geesay iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Puntland.

Kulankan ayaa ahaa dood wadaag ku aadan habka horumarinta magaalada Gaalkacyo ee ay ka mid yihiin Amniga, Wadooyinka, Caafimaadka iyo dhanka dhaqaalaha.
Intii ay uu socday Barnaamijkan dood-wadaaga ah ayaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed C/qaadir lagu waydiiyay su’aalo ku aadan Dhanka Cashuuraha iyo qorshaha Dawladdu ku horumarinayso magaalada Gaalkacyo taasi oo Wasiirku si qoto dheer uga jawaabay kuna qanceen ka qayb gala yaashii doodu.

Wasiirka ayaa Dhalinyarada Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabad galyada, Dawladdana garab istaagaan si horumar loo gaaro.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa Bulshada u soo jeediyay in ay Cashuuraha ku waajibay ay bixiyaan si Dawladdu u gudato waa jibaad keeda shaqo ee loo igmaday.

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.