Doodo adag oo hareeyay Kalafadhiga 44-aad ee Golaha Wakiilada Puntland

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanay Xaruntooda Magaalada Garoowe, Iyadoona Xildhibaanada lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland, oo maalmihii ugu dambeeyay ay hareeyeen Doodo adag, ayaa maanta mar kale u fariisanaya ansixinta Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii, taas oo uu Golaha u gudbiyay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland.

Xildhibaanada ayaa Labadoodii kulan ee hore si adag uga dooday arrimaha la xiriira ansixinta Miisaaniyaddii 2018-kii, waxaana ay dhowaan u yeereen Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ay Su’aalo ka weydiiyeen.

Xildhibaanada ayaa la filayaa inay maanta Meel-mariyaan ama ay Diidaan Xisaab xirka Miisaaniyaddii 2018-kii.

Kulamada Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo soo bilowday 15-June-2019 oo uu furmay Kalafadhiga 44-aad ee Golaha Wakiilada, ayaa waxaa hareeyay Doodo adag, iyadoona Goluhu uu u yeeray Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirada Amniga iyo Maaliyadda, kuwaas oo Su’aalo ay Xildhibaanadu weydiiyeen.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading