Doorashada kursi ka bannaan Golaha Shacabka oo lagu qabanayo Kismaayo

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen doorashada Xubin ka bannaan Golaha Shacabka Soomaaliya taas oo uu baneeyey Ex-Xildhibaan Saqar Ibraahin Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku geeriyooday Weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Somalia 23-kii Bishii Maarso ee sanadkan 2019.

Gudiga ayaa ku wargeliyey Odayaasha Dhaqnaka ee ku jira 135 Oday inay soo gudbiyaan liiska 51 Ergo Doorashada xubinta Xildhibaan ee uu baneeyey Ex-Xildhibaan Saqar Ibraahin Cabdalla oo sidoo kale ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Guddiga ayaa sidoo kale ku wargeliyey Odayaasha iyo musharixiinta Xubinta Baarlamaanka in qabashada Araajida ay bilaabaneyso 23-ka bishaan kuna egtahay 30-ka Bishaan.

Hoos Ka Akhriso Qoraal kasoo baxay guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading