Doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Puntland oo maanta bilaabanaysa

Doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS ee Puntland ayaa maanta ka bilaabanaysa hoolka Golaha Wakiillada Puntland ee magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland, Musharixiinta ayaana ugu horeyn jeedin doona khudbado la xariira Taariikh nolaleedkooda.

Kuraasta Puntland ku matala Aqalka Sare oo ah 11 kursi, ayaa waxaa ku tartami doona 22 Musharax, sida ku cad wareegto Habeen kahoor kasoo baxday Madaxweynaha Puntland.

Xubnaha tartamayaasha doorashada ayaa waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Wasiiro kamid ah Xukuumadda Puntland iyo Guddoomiyaha Gobalka Bari.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading