Ma la joogaa xilliggii aan dib u eegi lahayn raadinta Qaran Somaliyed oo mid ah hadaan nahay reer PL ??

Ka hor Dhismihii Dowlada PL,waxay Dadkii Gobolladii Waqooyi Bari Somaliya ee markaas ay Siyaasada ku matalayeen SSDF iyo SNDU hormuud xoog leh ka ahaayeen Shirar layskugu dayay in dib loogu yagleelo Qarankii burburay,waxaana ugu waa weynaa…

1.Shirkii Jabuti ee Cali Mahdi lagu soo dhisay.

2.Shirkii Xamar ee Caydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf.

3.Shirkii Soodaree.

4.Shirkii Qaahira.

Kadib dhismihii PL oo uu MW-ka noqday Cabdullaahi Yuusuf Axmed,waxay Shaqooyinkii hor tabinta ulahaa ka dhigatay helida Dowlad Somaliyed,waana mida keentay in la abaabulo Shirarkii Ceel dooreed iyo Imbagaati.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf,waxuu noqday Madaxweynihii Dowladii Fadaraalka kmg ahayd ee ka dhalatay Shirkii Kenya loo fadhiyay mudada 2-da Sano ahayd.

Madaxweynihii ka horeeyay isaga ee lagu soo dhisay Carta Jabuti Cabdiqaasim Salaad wuu dhaafin waayay Hoygii uu ka deganaa Muqdisho Dowladnimadii,taasoo ka dhigtay Dowladiisii mid hana qaadi wayday,isagoo waliba Beeshiisu ay ahayd Dadkii ugu badnaa ee markaas joogay Muqdisho.

Dhismihii Xukuumadii kadib Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf,waxuu toos ugu soo duulay PL,isaga iyo Dowladiisa,waxaana loogu sameeyay soo dhaweyn aad usaraysay oo taariikhda gashay.

Kadib booqashadaas MW Cabdullaahi Yuusuf,waxuu codsaday in la garabgalo,waxuuna ka helay PL hiil iyo hoo buuxa,iyadoo lagu kabay 5000-oo Askari iyo Miisaaniyadii PL oo looga jaray Qoondo xoog leh oo dhaqaale.

PL intaas kaliya kuma aysan harin ee Habeen iyo Maalin,waxay sii waday taageerada Dowladii TFG,haday noqon lahayd kasoo guuridii Kenya,degidii Jowhar,uguuristii Baydhabo iyo fariisintii Villa Somaliya iyo ugu danbayntii xasilintii Caasimada iyo baahintii Dowladnimada.

Ma la joogaa xilliggii aan dib u eegi lahayn raadinta Qaran Somaliyed oo mid ah hadaan nahay reer PL ??

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading