Dowlada Fadaraalka oo hor istaagtay Gar-gaarka Bini’aadantinimo Ee Dadka reer Sool

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta Masiibooyinka Puntland waxay abaabushay Hay’adaha ka hawlgala Garowe in ay tagaan Laascaanood si ay u soo qiimeeyaan baahiyaha biniaadantinimo ee ka jirta Laascaanood.

Ujeedka loo abaabulay,ayaa ahaa in Dadka Laascaanood gurmad deg-deg ah la gaarsiiyo.

Qiimaynta hay’adaha kadib, hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Puntland ayaa iyagana qorsheeyay inay soo qiimeeyaan amaanka Laascaanood, qiimayntaas waxaa hogaaminaysay United Nations Department of Safety and Security (UNDSS) Garowe, ujeedka qiimaynta amniga waxay ahayd in la soo hubiyo in shaqaalaha QM ay tagi karaan magaalada Laascaanood.

Kooxda amniga soo qiimaynaysay waxay la kulmeen Duqa magaalada Laascaanood iyo Firdhiye,iyagoo soo xaqiijiyay amniga Magaaladu in uu wanaagsan yahay oo ay tagi karaan Hay’adaha QM.

Balse halkaa markay marayso,ayay SL ogaatay hawlgalka,waxayna toos ula xiriirtay DFS, gaar ahaan Ra’isalwasaare ku xigeenka, isaguna waxuu la hadlay UNSOM.

Ra’usalwasaare xigeenku,waxuu dood ka dhigtay in Dhulkaas laysku haysto oo xaalad colaadeed ka taagan tahay loogana danbeeyo DFS, waxii talaabo ah oo la qaadayo.

Ninka haysta Xaafiiska QM ee Garowe iyo madaxw haydda UNDSS Garowe ,ayaa isku dayay in uu difaacaan gurmadka Dadka LC loo samayn lahaa iyo joogista kooxda amniga qiimaynaysa Magaalada Laascaanood,balse waxaa loogu hanjabay in Dalka laga saarayo hadii aysan soo celin kooxda qiimaynta amniga.

Sidoo kale SL,ayaa ugu hanjabtay in Hargeysa ay ka saarayaan Shaqaalaha QM hadaan deg deg loo joojin qiimaynta amniga ee Hay’adaha QM Garowe fadhigoodu yahay.

Gurmadkii Dadka Laascaanood, waxaa sidaa ku hor istaagtay DFS ee Xasan Shiikh uu hogaaminayo.

Si kastooy tahay PL,waxay qabanqaabinaysaa Shirweyne Beesha Caalamku iskugu imaanayso oo Garowe ka qabsoomaya 18-ka Bishan,kaasoo looga xaajoonayo gurmadka Shacabka Sool.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading