Dowlada fadaraalka Somaliya Oo garowshiyo ka bixinaysa khashkhashaadii loo geystay lacagtii Imaaaradaka Carabta

Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa garowshiyo ka bixisay khaladkii ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan-cade ee lagu khashkhashay lacagtii loo waday Ciidamada dowlada Fadaraalka Somaliya ee ka timid dalka imaaraadka Carabta.
 
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha dibada ee dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa lagu sheegay in xiriirka Somaliya iyo Imaaraadku uu yahay lama taabtaan soo jireen ah oo ku fadhiya dhaqan,dhaqaale iyo ganacsi.
 
”Somaliya waxaa ka socda isbadalo dhaqaale iyo mid amni,dolwada Imaaraadkuna ay door ka qaadan karto isbadaladaas socda”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
 
”Dowlada fadaraalka Somaliya waxay soo dhawaynaysaa taageerada ay siiso dowlada imaaraadka Carabta ee ku aadan xoojinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha xag jirka ah,iyadoo hadana la ilaalinayo midnimada Somaliya”ayaa lagu yiri warka.
 
Warkan kasoo baxay dowlada Fadaraalka ayaa umuuqda mid ay dowladu garowshiyo uga bixinayso khaladkii ka dhacay dhawaan garoonka Aadan-cade kaasoo ciidamada amaanka garoonku ku qabsadeen lacag loo waday ciidamada dowlada Somalida ee ay tababarto dowlada Imaaraadka Carabta.
 
Dhanka kale qoraalka kasoo baxay Wasaarada Arimaha dibada Fadaraalka Somaliya, ayaa muujinaya kubad diblomaasi oo ay ciyaarayso dowlada fadaraalku si ay udajsio xaalada kacsan iyo xiriirka sii xumaanaya ee Somaliya iyo Imaaaraadka Carabta.
 
War saxaafadeedkan ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii dowlada Imaaraadka ay si cad u sheegtay in ay joojisay taageerada Ciidamada Somaliya ,gaar ahaan kuwo ka hawlgala Muqdisho.
 
 
Hoos ka akhriso qoraalka kaoso baxay W.arimaha dibada:-

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading