Dowlada Garissa oo beenisay in dhaqaale ay siisay Fanaanka Dalmar Yare

Dowlad goboleedka Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa beenisay in lacag laba Milyan ah oo u dhiganta 20 kun oo doolarka Mareykanka ay siisay fanaanka Dalmar Yare.

Arintaan ayaa timid kadib markii Fanaanka uu ka soo muuqday maalintii Arbacada daahfurka barnaamij ay dowlada Garissa ugu magac dartay maalgalinta Dhalinyarada.

Warqad Saacado kadib la soo dhigay baraha bulshada ay ku xariirto ayaa laga dheehday lacag laba milyan ah oo fanaanka uu u saxiixay xoghayaha Garissa Mr Cabdi ShiiKh.

Balse mas,uulkaan oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag u beeniyay warqada la soo dhigay baraha bulshada oo ahaa in lacag laba milyan oo Kenya ah ay siiyeen Dalmar Yare.

Isaga oo sii waramayay ayaa wuxuu tilmaamay in aysan ka warqabin imaanshaha dalmar balse markii ay ku arkeen xaflada ka dhacday hotelka Almond ay ku farxeen.

Fanaanka oo isla maalintaa la hadlay Universal ayaa u sheegay socdaalka uu ku joogo Garissa ay la xiriirto heeso cusub oo uu doonayo in uu ku soo qaado ismaamulkaasi.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading