Dowlada imaaraadka carabta Oo hakisay taageeridii Ciidamada badda Puntland

Waxaa dalka ka baxaya tababarayaashii Ciidamada Badda Puntland ee u dhashay dalka imaaraadka carabta.
 
Bixitaankii tababarayaashan ayaa timdi ka gadaal markii dowlada Puntland iyo dowlada imaaraadka ay isku afa garan waayeen arimo dhawr ah oo ka taagan Somaliya.
 
Arimaha ay isku afagaran waayeen labada dhinac ee keenay is fahan waaga ayaa kala ah.
 
1.Mamnuucidii baarlamaanka fadaraalka ee shirkada DP World.
 
2.Lacagtii dhawaan ay dowlada fadaraalku ku qabatay garoonka Aadan-cade ee Muqdisho.
 
3.Hab dhaqanka dowlada imaaraadka ee Somaliland.
 
Dhamaan arimahan ayay dowlada Puntland kaga hor timid iskuna afagaran waayeen dowlada imaaraadka carabta.
 
Puntland ayaa u aragta talaabooyinkan kuwo masiiriya oo taabanaya dowladnimada Somaliya,isla markaana dowlada imaaraadku ku khaldan tahay sida ay umaaraysayna aan lagu raaci karin loogana hor imaan karin dowlada fadaraalka Somaliya.
 
Waxaa muuqata in Puntland ay si toos ah ula safatay dowlada fadaraalka isfahan dhow iyo wada shaqayna dhexmartay labada dhinac,balse waxaan cadayn waxa ay ku badalatay Puntland la shaqaynta dowlada fadaraalka marka ay timaado arimahan oo kale.
 
Dowlada imaaraadka carabta ayaa gacanta ku haysay maalgalinta Ciidamada Badda Puntland oo ka mid ah ciidamada ugu qalabka iyo tababarka fiican guud ahaan Somaliya.kuwaasoo ka hawlgala Baargaal ilaa Garacad.
 
Ilaa iyo hada dowlada Puntland kama aysan hadlin arinkan, marka laga saaro qoraal yar oo kooban oo bartiisa Fc-ga soo dhigay Wasiir Cabdirashiid Maxamed Xirsi,kaasoo uu ku iftiimiyay in uu jiro wada hadal dhexmaray Puntalnd iyo dowlada fadaraalka,kaasoo is afagarad ksuoo dhamaaday.
Wararka qaar oo ana la xaqiijin karin ayaa sheegaya in dowlada Turkigu ay bixin doonto maalgalintii ciidamada Badda ,sial markaana ay badali doonto dowlada imaaraadka carabta.
 
Waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in dowlada Puntland ay amartay in aan wax qalab Ciidan ah aan la saari karin.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading