Dowlada Imaaraadka oo hor istaagtay in Ciidamada Badda PL Deni adeegsado

Dowlada Imaaraadku waxay ka hor timid qorshe Madaxweyne Deni watay oo ahaa in hal Urur oo ka mid ah Ciidamada Badda uu ka hawlgeliyo Magaalooyinka xiligan oo uu ka baqayo kacdoonka Mucaaradka.

400-Askari,ayuu amar ku bixiyay in ay ka hawlgalaan Magaalooyinka,gaar ahaan Bosaso iyo Garowe,waase ku Gacan say reen Imaaraadku.

Tani waxay wax ka taraysaa in uu waayo Deni awood xoog badan oo wax ucaburisa xiligan muhiimka u ah isaga oo uu rabo in uu sameeyo mudo kororsi baalmarsan Dastuurka Puntland.

Dowlada Imaaraadku waa mida bari taarta Ciidamada Badda PL dhan walba,waxayna diidmadeedu ka dhigan tahay in uusan Deni u isticmaali Karin caburin Ciidankaas.

Hadii warkan hada soo baxay 100% dhab noqdo,waxuu war wanaagsan uyahay Shacabka Puntland oo wal wal ka qabay in Deni ku dhibaateeyo.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading