Dowlada Itoobiya oo ku dhawaaqday in ay joojisay dagaalkii Tigreega

Dagaalka sokeeye ee ka qarxay Itoobiya ayaa in ka badan shan malyan oo qof ku qasbay in ay u baahdaan gargaar cunto kaas oo aysan heli Karin ilaa iyo bishii December.

Go’aanka dawladda Itoobiya ayaa imaanaya kadib booqashadii wakiilka gaarka ah ee Maraykanka ee Geeska Africa David Satterfield.

Ciidamada Tigreyga,ayaan ilaa hadda ka jawaabin talaabada ay dawladda Itoobiya qaaday.

Dagaalka Itoobiya,ayaa qarxay bishii November ee 2020 kii kadib mudo bilo ahayd oo ay jirtay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay dawlada Itoobiya iyo ururka TPLF ee xukumayay gobolka Tigray.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading