Video:-Dowlada Itoobiya oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dahab iyo Lacag fara badan

Wasaaradda Dakhliga ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay Lacago laga leeyahay 12 dal iyo 7 kiilo oo dahab qayriin ah oo ka bixi lahaa xdka Magaalada Wajaale Tog wachaale in la qabtay.


Wasiiradda Wasaaradda Dakhliga Itoobiya Adanech Abebe waxay sheegtay “lacagaha la qabtay iney isugu jireen 8,200 oo Yuuro, 31,990 Giniga Istarliinka ah, 25,665 Doolarka Kanada, 8,800 oo doolarka Austraaliya ah, 1,393 Diinaarka Kuweyt, 690 Lacagta Switzerland”.


Sida oo kalana lacagaha kale ee la qabtay waxaa ka mid ah ayey tiri “wasiiradda 80,870 Kiraawnka Norway, 4,810 Riyaalka Qadar, 72, 725 Dirhamka isutagga Imaaradka, 904 iyaalka Baxreyn, 734,088 Riyaalka Sufa, 4 lacagta cumman iyo 7 Kiilo oo dahabka qayriin”.


Waxayna laamaha ammaanka dalkaasi Itoobiya gaar ahaanna waaxda Jibriga gacanta ku dhigeen shaqsiyaadkii looga shakiyey iney lacagtaasi dalka si sharci darra ah uga bixinayeen.


Wasiir Adaanech waxaa kale oo ay ku baaqday “iney dowladdu marnaba u dulqaadaneyn falalka sharci darrada ah, ka wasaarad ahaanna maadaamaa uu sharcigu noo igmaday inaan ka hortagno fal dambiyeedyada ganacsiga iyo lacaga sida sharci darrada dalka uga baxa ama u soo gala ayna sii wadeyso tillaabbooyinka ay kaga hortageyso falkasta oo dhaqalaha dalka wax u dhimaya”.


Tillaabba kasta oo aan u qaadeyno ka hortagga falalka noocasi ahna ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo sidii ay muwaaddiniinta dalka kheyraadka dalka uu leeyahay ay si siman uga wada faa’ideysan lahaayeen.


Sagaalki bilood ee la soo dhaafay waxaa dalka Itoobiya qaybihiisa kala duwan lagu qabanayey lacago, hub, dawooyin iyo daroogo kala duwan oo dalka si sharci darra ah loo soo gelin lahaa.,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoos eka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading