Dowlada Jabuti oo ka jawaabtay Eedayntii Muuse Biixi

Dawladda Jabuuti,ayaa ka jawaabtay eedayn ugu timid Somaliland,taas oo ku aadanayd in Jamhad ka dhan ah Somaliland lagaga dhawaaqay dalkaas.

Jabuuti,ayaa warkaas ku tilmaantay mid aan wax ba ka jirin.

Wasiirka Maaliyadda ee dalka Jabbuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh oo barta Twitter-ka farriin ku qoray,ayaa sheegay in ay ka xun yihiin eedaha beenta ah ee aan waxba ka jirin ee uga imaanaya Somaliland.

Wasiir Ilyaas,ayaa ku dooday in “Jabuuti ay tahay meel wada jir iyo is-dhexgalka gobolka u taagan. Isku xidhena u ah nabadda & xasiloonida Gobolka.”

Waxa kale oo uu sheegay in aanay dhex gelin arrimaha gudaha ee cid kale.

Wasiir Ilyaas,ayaa sida oo kale xusay in ‘maskaxda lagu hayo sida oo kale in hore loogu eedeeyey in Somaliland ay ka taageereen dagaalkii Gobolka “SSC”sida uu hadalka u dhigay.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading