Dowlada PL maku saxan tahay diidmada go’aamada Odoyaasha Dhaqanka?

Su’aalaha lays waydiin karo,waxaa ka mid ah ….

Hadii Isimo go’aamin karo habka Doorasho ee Dowlada Puntland ay qaadanayso maxay ujiraan hay’adaha Dastuuriga ah?

Dowladu in ay ku adkaysato qorshaheeda Doorasho waa hogaamin sare,hadii wax ka badalmayaana ay ka timaado isla iyada oo ilaalinaysa Dastuurka.

Isimadan kama weyna kuwii Garowe ku shiray ee go’aamada soo saaray oo Boqorku Shir Gudoominayay.

Oday iyo Dowladnimada in  la kala reebo,waa shaqo  loo baahan yahay oo ay tahay in la qabto.

Muhiimadu,waa in 16-ka Bishan ay bilaabato Diiwaangelinta oo dib loo furay.

25-Feb 2024  oo ay qabsoonto Doorasho Qof iyo Cod ah.

9-ka Janaayo 2024 oo Madaxweyne Deni Kursiga ugu sii fadhiyo buuxinta Dastuurka ee ah ku simida awooda Dowlad la doortay.

Waxa kaliya ee furan waa turxaan bixinta habka ugu hufan ee ay uqabsoomi karto Doorasho Qof iyo Cod ah.

Intaas,waxii kasoo hara,waa hay’adaha Dastuuriga ah oo qaata go’aan ay u arkaan xal Ummadeed.

Sharciyad mahaystaan Oday,Musharax iyo Maleeshiyo midna.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading