Dowlada Puntland iyo dowlada Imaaraadka Carabta Oo is afgartay

War Farxad u ah Puntland,ayaa soo baxaya,balse aan wali la xaqiijin kasoo sheegaya in ugu danbayntii Puntland iyo dowlada imaaraadku is afgarteen.

Madaxweyne Gaas iyo safiirka imaaraadka ee Somaliya ayaa tagi doona Xerada Ciidamada Badda Puntland ee Bosaso,waxayna ku qaban doonaan shir jaraa’id oo ay kaga hadli doonaan arimo badan.

Waraka la helayo ayaa sheegaya in imaaraadku isku dayay cadaadis in uu Puntland ku saaro ka hadalka arimaha ay isku hayaan dowlada fadaraalka.

Puntland ayaa ka gows adaygtay ka hadalka arimahaas waxayna ku adkaysatay in aysan shaqo ku lahayn khilaafka dowlada fadaraalka iyo Imaaraadka dhexyaala,sidoo kale dhulka Puntland uu ufuran yahay dowlada imaaraadka.

Madaxweyne Gaas iyo mawqifkiisa isbadal badalka badan ayaa sababay in shaki soo kala dhexgalo labada dowladood.

Dhanka kale dowlada imaaraadka Carabta oo ka walaacsan mawqifka aan cadayn ee Madaxweyne Gaas marka ay timaado arimaha ay isku hayaan dowlada fadaraalka iyo qorshahiisa musharaxnimo ee doorashada soo socota ee puntland,waxay hoos u dhigeen maqaabka xiriirkooda Puntland iyagoo kor uqaaday taa badalkeeda xiriirkooda Somaliland.

Imaaraadku waxuu Somaliland u ogolaaday Xaafiis danahooda siyaasada ka shaqeeya ,kaasoo laga furay Dubai madaxna uu ka yahay Nin uu sodog u yahay Madaxweynihii hore Somaliland Siilaanyo,dowlada imaaraadka ayaa bixisa kharashaadka ku baxa xaafiiskaas,isla markaana siisay Deegaan ku yaala meelaha ugu quruxda badan magaalada Dubai,sdioo kale waxay ogolaadeen imaaraadku in Pasport Diplomaasiga ah ee Somaliland ay madaxda maamulkaas kusoo gali karaan Imaaraadka Carabta,

Intaa kaliya kuma eka taageerada imaaraadka ay siiyeen Somaliland ee waxay kor uqaadeen maqaabka madaxda qaabisha wafuuda Somaliland kaasoo markii hore ku koobnaa la kulanka agaasimaha nabadsugida imaaraadka,blse hada iyo waxii ka danbeeya waxaa qaabila ama qaabili doona Wasiiradu dowle ka tirsan qosyka dalka xukuma.

Imaaraadku waxuu kaloo Somaliland siiyay saanad Milatri oo fara badan iyo mid dhaqaale oo ah lacag cadaan ah.sidoo kale waxuu qayb muuqata ka qadanaya mashruuca biyo galinta Hargaysa ee socda.

Dhanka Puntland oo iyadu kaga horaysay Somaliland xiriirka imaaraadka ayaan wali maqaabkaas gaari,waxaana taa badalkeeda imaaraadku hoos u dhigeen maqaabka xiriirka ay la leeyihiin Puntland,

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in niyad jabka dowlada imaaraadku ay ka qaaday xiriirka Puntalnd uu ku salaysan yahay hogaaminta madaxweyne Gaas oo aysan ku faraxsanayn ama la oran karo waxuusan lahayn jiho loogu soo hagaago.

Madaxweyne Gaas waa musharax is qarinaya oo aan mawqifkiisa cadaysan,sidoo kale waa danaaale aan dantiisa cadaysan,waa Nin aan mawqif cad ka istaagi karin dowlada fadaraalka iyo arimaha lasyku hayo.

Dowlada imaaradka carabta ayaa wad qorshe ay ku abaabulyso in Cumar Cabdirashiid isku soo taago doorashada
madaxtinimo ee Puntland.

Puntland oo ah dhul balaaran oo ay ku nool yihiin dad gaaraya afar Milyan oo qof kuna yaala meel muhiim u ah caalamka,lehna maamul dowliya oo soo jireen ah,isla markaana shacabkeedu yahay kuwo ubisil nabada iyo nidaamka kana fog ku xirnaanta argagixisada waxay baahi uqabaan hogaamin uqalanta oo leh aragti iyo qadiyad mustaqbal.

Shacabka Puntland waa kuwo aad ujecel midnimada iyo qaranimada Somaliya oo dib usoo laabata marnana aan ogolayn kala goyn Somaliyed,iyadoo taa laga duulayana waxay ubaahan yihiin in ay helaan hogaamiye ilaaliya rabitaankooda,maqaabkooda iyo danahooda ugaarka ah.

Jibril Qoobey

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading