Dowlada Puntland iyo Hay’adaha Caalamiga Shir uga furmay Garowe

Garoowe: 18 Sep 2023: Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Hay’addaha caalamiga ah iyo Dowladda Puntland oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Shirweynaha u dhexeeya Hay’addaha Caalamiga ee daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo hay’addaha Dowladda Puntland ayaa ujeedkiisu ahaa 4 qodob oo kala ah.

1. Wacyi-gelinta xaaladaha bini’aadantinimo iyo baahiyaha ka jira Puntland.

2. Cusboonaysiinta hawlaha bani’aadantinimo ee hadda jira iyo kuwa la qorsheeyay, si wax looga qabto baahiyaha deg-degga ah iyo kuwa la filaayo.

3. Xoojinta isku xidhka iyo habka wada shaqayneed ee daneeyayaasha.

4. Bilawga dadaalka mustaqbalka ee lagu heshiiyey, si loo hubiyo in jawaab waarta laga bixiyo baahiyaha iyo mudnaanta.

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa shirka kala qayb-galay Masuuliyiinta Wasaaraddaha ay khusayso shaqadani, waxaana uu shirku kusoo idlaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading