Dowlada Puntland iyo hay’adaha maxaliga ah oo kulan wada yeeshay

Garoowe: 22 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa Shir-guddoomiyey Shir u dhexeeyey Dowladda, Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee ka shaqeeya Arrimaha bini’aadantinimada.

Kulanka,ayaa looga hadlay xoojinta wacyigelinta bulshada ee ku aadan saamaynta ka dhalan karta Roobabka Gu’ga si gaar ah reer guuraaga, qorshaha Arrimaha bini’aadantimo ee hada iyo kuwa mustaqbalka si loogu saleeyo baahiyaha bulshada iyo xoojinta wadashaqayneed ee dowladda iyo Hay’addaha ka shaqeeya Arrimaha bini’aadantinimada.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading