Dowlada Puntland oo digniin adag kasoo saartay Roobabka Galkacyo

Roobab Lixaad leh oo 2-daan maal-mood ka da’ayey Magaalada Gaalkacayo ayaa sababay khasaare isugu jira burbur hantiyeed, in dad badan ka barakacaan guryahoodi si gaara xaafadaha Garsoor, Horumar iyo barakacayaasha ku nool magaalada Gaalkacyo.

Waxaa dumay oo isku furmay suuliyaashi taas oo ay ka dhalan karto khatar caafimaad, sidoo kale, waxaa xirmay isku socodkii magaaalada, Dad badanna ku go’doomiyey guryahoodi, goobihii adeegga Dadweynaha oo xiran, sida Iskuulada iyo xarumaha Caafimaadka.

Sidaa darteed, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyada oo la dareen ah shacabka Degmada Gaalkacyo, waxay ugu baaqaysaa hay’adaha Gar-gaarka deg deg ah, Dowladda Puntland iyo shacabka Reer Puntland in la is garab taago dadka Reer Gaalkacyo si gaar ah dhinacyada Caafimaadka iyo Biyo saarista Magaalada.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa guud ahaan shacabka Reer Puntland in la muujiyo feejignaan dheeri dheeri in roobabku da’ayaan si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara.

Dhammaad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading