Ceelbuuh: March 12, 2025: Waftiga Dawladda Puntland ee uu hoggaamiyo Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Abdi Farah Juxa uu weheliyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane, H.E Abdirahman Khaliif Faarah Waftiga dhaqanka ee uu hoggaamiyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamuud Cali Shire ayaa shir kula yeeshay magaalada Ceelbuuh ee Gobolka Sanaag guddiga guurta ka kooban 27 oday dhaqanmeed ee xalinta dhacdadii Dooxada Dureera ee Gobolka Sanaag.
Shirkaan ayaa waxaa looga wada hadlay warbixinta guud ee dhacdadii meesha ka dhacday, u mahadcelinta labada beelood sida wanaagsan ee ay isku xakameeyeen, ciidamada amaanka iyo odayaasha galay hawsha maalintii 1-aad.
Guddiga guurtida ayaa warbixin guud ka siiyey Waftiga meesha ay xaaladda marayso iyo iyo qorsheynta nabadeynta ee u degsan maalmahaan gudahooda.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa guddiga kula dardarmaay in hawshaan lagu xaliyo si isla ogol ah loona kala dabqaado labada Reer iyada oo la tixgelinayo dhagaysiga beelaha iyo turxaan-bixinta wixii dhacay.
Wasiirka ayaa sidookale, mar kale ka tacsiyeeyey dhacdadii xanuunka badnayd ee Deegaanka ka dhacday.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Website: moifad.pl.so
Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.
Twitter https: https://x.com/MOIFAD.
Tiktok: https://www.tiktok.com/@moifad1.
Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.