Garoowe: 18 November 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa magacaabay guddiga Aaska Qaran ee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ku geeriyooday Garoowe.
Guddiga ayaa kala ah :
- Cabdi Faarax Siciid Juxa: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta (Guddoomiye).
- Cabdisamad Maxamed Gallan: Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.
- Maxamed Cabdiraxmaan: Dhabancad Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
- Maxamuud Caydiid Dirir: Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta, Tiknoolojiyada, Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka.
- Jaamac Faarax Xasan: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
- Cabdullaahi Maxamed Xasan: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
- Ilyaas Cismaan Lugatoor: Wasiirka Wasaaradda Duulista, Hawada iyo Garoomada.
- Gen. Muumin Cabdi Shire: Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland.
- Cawil Xasan Mataan: Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.
- Cabdulqaadir Maxamed Geedi: Duqa Degmada Garoowe. DHAMAAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.