Dowlada Puntland oo mamnuucday Hubka Magaca Difaaca Sool lagu soo dejiyo

Ugu yaraan hawlgalkii Xalay fashilmay ee la dagaallanka Hubka Sharcidarada ah,wuxuu baqdingelinayaa kuwa ka shaqaysta.

Sidoo kale,wuxuu muujiyay in ay hirgashay wareegtadii lagu joojiyay Hubkii soo degistiisa loo fasaxay difaaca Sool.

Dagaalkii Sool xaaladaha laga dhaxlay,waxaa ka mid ah in Hub fara badan soo galay gudaha Puntland oo Dowladu ka indhoqarsatay,iyadoo laga duuliyay xoraynta Gobolkaas.

Haatan,waxaa khasab ah in la xakameeyo Hubka soo galaya gudaha Puntland oo ay wadajir uwada hawlgalaan Laamaha amaanka ee kala duwan.

Nasiibdarada jirtaa,waxay tahay Bari oo ay ku sugan yihiin in ka badan 3000-Askari oo aad utababaran hadana Qalabaysan in amaankiisu yahay mid aan fadhiyin oo marka ay wax dhacaan laysku yaaco.

Waxaa kaloo iyaduna waxaan la qaadan karin in Ciidamadaas aysan si toos ah uwada shaqayn.

MW Deni waa ku ceebaysan yahay arimaha Ciidamada si walba oo uu dadaal umuujiyay mana ahan wax ka dhaadhici kara Dadka in Deni ku filnaan waayay midaynta Ciidanka iyo dajinta qorshe amni.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading