Dowlada Puntland Oo si weyn ucanbaaraysay Map-ka khaldan

《WAR-SAXAAFADEED》.

Garowe: 26 October 2024: Dowladda Puntland waxay si kulul u cambaaraynaysaa, nasiib darrana u aragtaa khariiradda cusub ee ay DFS muranka ku gelisay Gobollo iyo Degmooyin ka tirsan Puntland, taas oo meel ka dhac ku ah Dastuurka Dowladda Puntland, Hannaanka dib u heshiisiinta iyo Dowlad-dhiska Soomaaliya.

Arrintaan waxay kaloo horudhac u tahay khilaafaadka ka imaan kara sahaminta iyo soo saarista khayraadka Dalka ee aan heshiiska lagu ahayn ee sida shaqsiga iyo qarsoodiga ah loo siiyey shirkaddo iyo Waddamo aan Marin hannaanka sharciga ah.

Xuduudayntaan cusub waxay muujinaysaa in lagu carqaladeynayo Midnimada, Wadajirka, Xasiloonida iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolada Puntland.

Sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobadiisa 50-aad iyo 54-aad, Dowladda Puntland ayaa masuul ka ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka Dabiiciga ah ee ku jira dhulka Puntland.

Ugu dambayntii Dowladda Puntland waxay ka digaysaa in tilaabooyinkani keeni karaan xasilooni daro iyo dib u dhac ku yimaada midnimada, Wadajirka iyo Dowlad-dhiska Soomaaliya.

—DHAMMAAD—


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading