Dowladda Puntland ayaa dhigooda Galmudug Ku wareejisay Deeq Raashin ah oo loogu talagalay in lagu Taakuleeyo Ciidamada Difaaca Galmudug ee dagaalka kula jira argagixisa Alshabaab ee Gobalka Mudug.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo Shaafici Abdullahi Xaashi oo ay Wehlinayaan
Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maxamed ayaa si wadajir u wareejiyey Maamulka Galmudug Deeq Raashin oo isugu jirta Shidaal, waxaana loogu talagalay in looga qayb qaato la dagaalanka Argagixisada Deegaanada Wisil Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug iyo ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug ayaa Deeqdaan kala wareegay Dowladda Puntland.

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.