Dowlada Somaliya maku saxan tahay in aysan cayrin Safiirka Itoobiya?

Dhawr arimood oo ay Dowlada Somaliya aysan qaadin ilaa iyo hada,waa ku saxsan tahay marka la qiimeeyo natiijada ka dhalan karta…

1.Hadii diyaarada la joojiyo,waxay taabanaysaa Shacabka Somaliyed ee caadiga ah,waxayna Dowlada Xasan galaysaa khaladkii ay gashay Dowladii Farmaajo ee ay JL Diyaaradaha uga joojisay,iyadoo Siyaasad ka eegaysa.

2.Hadii Safiirka la cayriyo,waxaa isna soo baxaya kan Somaliya ee Adis jooga,waxaana lumaya xog iyo xiriir loo baahan yahay helidooda.

3.Hadii Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah Atmis laga saaro Wadanka,waxaan umuuqanaynaa Dad caadifadeed oo aan isxakamayn karin welina aan masuul noqon laguna aamini karin awood oo wax walba laga filan karo.

Abiy,isagaa Dhiiqo Diblomaasi Lugaha lagalay ee ma’ahan in uu Somaliyana ugeliyo Dhiiqadaas Lugaha oo ka wasakheeyo fursadaheeda soo kabasho.

Dadka u olalaynaya arimahan waxay ka eegeen ficiltanka dhankiisa,waana looga leeyahay talo ahaan.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading