Muuqaal:-Dowlada Somaliya oo awoodi kari wayday in Musafeni loo isticmaalo Persona_Non_Grata

Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in Yoweri Museveni uu iska hadlay, isagoo xusay in la ogyahay in Soomaaliya ka jirtay dowlad la aqoonsan yahay.

“Wuu iska hadlay, kaliya waxaa dhici karaa waa qof iska hadlay, waa la ogyahay Soomaaliya waxay leedahay dowlad jirta oo xooggan”ayuu yiri Wasiir Cawad.

Axmed Ciise Cawad ayaa intaas ku daray in ka Dowlad ahaan ay jawaab hoose gaarsiin doonaan Dowladda Uganda.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni,ayaa mar uu ka hadlayay shirka Garsoorka Dalkiisa waxuu sheegay in ay jiraan Dalal badan oo aan Dowlad laheyn, isla markaana aysan heysan hey’ado nidaamsan oo wax maamuli kara, sida Somaliya oo kale.

Hadalka Wasiirka Arimaha dibada Somaliya Axmed Ciise,ayaa ah mid hooseeya oo uu ka muuqdo jileec,isla markaana aan jawaab ku filan unoqon karin gafkii weynaa ee Musafeni.

Dowlada Fadaraallka Somaliya waxay dhawaan dalka ka saartay wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya,kaasoo ay u cuskadeen Xeerka loo yaqaan” Persona_Non_Grata”,kaasoo waliba loo sheegay in ay isku isticmaalaan oo kaliya Dowladaha.

Dad badan,ayaa qaba hadiiba la isticmaalayo Xeerkaas waxay ahayd in maanta loo isticmaalo Madaxweyne Musafeni.

Halkan hoose ka daawo hadalka Wasiir Axmed Ciise Cawad


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading