Dowlada Somaliya oo dalbatay in dib loo dhigo bixida Ciidamada Atmis

Markii hore,ayaa la oran karaa,waa lagu degdegay dalbashada bixida Ciidamada Atmis.

Farmaajo oo ahaa Madaxweynihii dalbaday in la saaro Ciidamada Atmis,ayaa dhaliisha ugu weyn leh.

Haatan Xasan Shiikh,waxaa lagu dhaliili karaa in uusan ka diyaar garoobin markii uu talada la wareegay qorshahaas.

Qorshuhu,waxuu ahaa halkii Askari oo Atmis ah in ay badalaan Sadex Askari oo Somali ah,taasoo udhiganta 60-kun oo Askar Somali ah in la helo.

Waxaa xusid mudan Goobihii ay ka baxeen Ciidamada Atmis in durba ay la wareegeen argagixisada.

90-Cisho ayay Dowladu codsatay in dib loogu dhigo bixida Ciidanka,waxaase muuqata in aysan mudadaas ku diyaarin karin Ciidan oo si dhamaystiran loo joojin doono bixida Atmis.

Xarumaha ay ka bixi lahaayeen Ciidamada Atmis ee la hakiyay,waxaa ku jirta Villa Somaliya.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading